HomeWararMusharaxiinta Madaxweynaha oo aqbalay Codsi xasaasi ah oo uga yimid Qoorqoor

Musharaxiinta Madaxweynaha oo aqbalay Codsi xasaasi ah oo uga yimid Qoorqoor

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan gaar ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya kula qaatay hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho. Kulanka oo saacado dhowr ah qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan khilaafka Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta Madaxweynaha iyo xaaladda siyaasadeed ee xiligaan uu dalka uu ku jiro. Madaxweyne […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan gaar ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya kula qaatay hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saacado dhowr ah qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan khilaafka Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta Madaxweynaha iyo xaaladda siyaasadeed ee xiligaan uu dalka uu ku jiro.

- Advertisement -

Madaxweyne Qoorqoor oo maalmihii lasoo dhaafay waan-waan ka dhex-waday Madaxda dowladda iyo Musharaxiinta ayaa Codsaday Musharaxiinta in iyaga iyo Dowladda uu dhexmaro wadahadal, uuna isaga garwadeyn ka noqon doono.

Falanqeyn kadib Musharaxiinta ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ka aqbalay Codsigii uga yimid ee ahaa inuu dhex dhexaadiyo labada dhinac, isla markaana khilaafyada jira lagu dhammeeyo wada-hadal.

Madaxda dowladda iyo xubnaha Musharaxiinta ayaa xiligaan waxaa ka dhexeeya khilaaf meel adeg gaaray oo ku aadan guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer maamul  Goboleed ee la magacaabay, waxaana Guddiyadaas lagu sheegay inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaalaha dowladda.

- Advertisement -

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa dalbaday in la kala diro Guddiyada doorashooyinka dalka, sidoo kalena xilka la qaado taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo ay ku tilmaameen inuu wado ololaha Doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories