HomeWararKhasaaro badan oo ka dhashay Qarax lala eegtay Ciidamo Kenyaati ah

Khasaaro badan oo ka dhashay Qarax lala eegtay Ciidamo Kenyaati ah

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya, kaasi oo ka dhacay deegaan ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi barri ee dalkaas. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka la geliyay ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Askar badan oo […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya, kaasi oo ka dhacay deegaan ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi barri ee dalkaas.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka la geliyay ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Askar badan oo ka tirsan Booliska Kenya, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Lafeey oo katirsan Magaalada Mandheera.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Ciidankii saarnaa gaariga, sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo maqlay jugta qaraxa oo ahaa mid xoogan.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen in qaraxa ay ku dileen ugu yaraan 14 Askari oo Keynyaati ah, halka 6 kalena dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen, kuwaasi oo loola cararay Xarun Caafimaad

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka Booliska dowladda Kenya ayaa weli wax war ah kasoo saaran qaraxii lala eegtay Ciidankooda, xili ku socdaalayeen deegaanka Lafeey, kuna sii jeeday deegaano kale oo ka tirsan dalkaas.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa marar badan qaraxyo iyo weeraro toos ah ku qaaday Ciidamada dowladda Kenya oo ku socdaalayay gudaha Magaalada Mandheera ee Waqooyi barri ee dalkaas, isla markaana waxaa weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories