HomeWararKenya oo Jawaabtay Go’aankii ay qaadatay Dowladda Soomaaliya

Kenya oo Jawaabtay Go’aankii ay qaadatay Dowladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Kadib markii xalay dowladda Federaalka Soomaaliya dalka ka cerisay Safiirkii dowladda Kenya u joogay Magaalada Muqdisho ee Lucas Tumbo, una yeertay Safiirkeeda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa Go’aankaas ka hadashay dowladda Kenya. Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda dlka Kenya Macharia Kamau oo si kooban ula hadlay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Magaalada […]

- Advertisement -

Kadib markii xalay dowladda Federaalka Soomaaliya dalka ka cerisay Safiirkii dowladda Kenya u joogay Magaalada Muqdisho ee Lucas Tumbo, una yeertay Safiirkeeda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa Go’aankaas ka hadashay dowladda Kenya.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda dlka Kenya Macharia Kamau oo si kooban ula hadlay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ayaa sheegay inay ka xun yihiin Go’aankii Somalia looga ceriyay Safiirkii u joogay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Xohaye Macharia Kamau in khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex-galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya lagu xalin doono si wada-hadal, isla markaana uu balan qaaday in arrintaas ay dhaceyso.

Isaga oo sii hadlaayay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayuu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga wada-hadi doono Go’aankii ay qaadatay dowladda Soomaaliya ee lagu ceriyay Danjire Lucas Tumbo laguna wargeliyay inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dowladda Federaalka ayaa Kenya ku eedeeysay inay faragelin ku heyso Arrimaha siyaasida dalka gaar ahaan arrimaha maamulka Jubbaland oo si gaar ah loo xusay inay cadaadis ku heyso Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

- Advertisement -

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in Kenya Axmed Madoobe ku cadaadinayso inuu fuliyo Ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Xiriirka u dhexeeya labada dowladooda ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid  aan wanaagsaneyn tan iyo wixii ka dambeeyay muran Kenya gelisay Badda Soomaaliya, isla markaana la isla aaday Maxkamadda ICJ.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories