HomeWararHub iyo gaadiid lagu qabtay magaalo ka tirsan Galmudug iyo howlgal socda

Hub iyo gaadiid lagu qabtay magaalo ka tirsan Galmudug iyo howlgal socda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa gacanta ku dhigay rag farabadan oo gudaha Caabudwaaq ku dhex-watay hub sharci darro ah, isla markaana lagu xir xiray xabsi ku yaalla halkaas, […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa gacanta ku dhigay rag farabadan oo gudaha Caabudwaaq ku dhex-watay hub sharci darro ah, isla markaana lagu xir xiray xabsi ku yaalla halkaas, sidoo kalena lagu wado baaritaano.

- Advertisement -

Waxa kaloo Ciidamada Haramcad iyo kuwa NISA Galmudug ay howlgalka ku qabteen gaadiid nooca dagaalka oo ay ku rakiban yihiin qoryo, kuwaasi oo qaarkood lahaayeen rag maleesshiyaad ah oo howlgalka qabtay.

Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka ayaa sheegay in ragga la qabtay maalmaha soo socda loo gudbin doono Maxkamadda dowlad Goboleedka Galmudug, si sharciga loo marsiiyo, maadaama ay in muddo ah hub sharci darro heysteen.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa tilmaamay in howlgal kale weli uu ka socdo Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaaladaas oo u muuqda mid faraha kasii baxaya.

- Advertisement -

Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa bilihii ugu dambeeyay ka dhacayay dilal iyo weeraro la xiriira aanooyin qabiil, isla markaama ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, waxaana falalkaas markii dambe ay isku bedelaan dagaal beeleed geysta khasaaro kala duwan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories