HomeWararHay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS oo Xafiis Cusub ka furatay J/Hoose

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS oo Xafiis Cusub ka furatay J/Hoose

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Agaasimaha Laanta 2aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Md Ibraahim Xasan Ismaaciil ayaa Xarigga ka jaray Xarunta Bar-xuduudeedka Raas-Kambooni ee Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose. Xaruntaan oo ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhistay ayaa lagu qalabeeyay qalbka casriga ah ee Xuduudaha, kaas oo ay ku shaqeyn doonaan Saraakiisha HSJ ee ka howlgasha Bar-xuduudeedka Raas-kambooni. […]

- Advertisement -

Agaasimaha Laanta 2aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Md Ibraahim Xasan Ismaaciil ayaa Xarigga ka jaray Xarunta Bar-xuduudeedka Raas-Kambooni ee Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xaruntaan oo ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhistay ayaa lagu qalabeeyay qalbka casriga ah ee Xuduudaha, kaas oo ay ku shaqeyn doonaan Saraakiisha HSJ ee ka howlgasha Bar-xuduudeedka Raas-kambooni.

- Advertisement -

Munaasabadda xariga looga jaraayay bar-xuduudeedka Raas-kambooni ayaa waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe, Gudoomiye K/xigeenka Degmada, Hey’adaha Amniga iyo xubno kale. Iyadoo dadka ka soo qeybgalay ay aad u soo dhaweeyeen dhismaha cusub ee Bar-xuduudeedka ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ka hirgelisay Raas-kambooni.

Ugu dambeyn Agaasimaha Laanta 2aad ee HSJ Md Ibraahim Xasan Ismaaciil oo ugu horeyn Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Xafiiskaan uu u adeegi doono dadka socotada ah ee isaga gudbo Xuduudda labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Agaasimaha Laanta 2aad ee HSJ ayaa ku booriyay dadka deegaanka in ay ilaashadaan hantidaan oo ay ku baxday qarash badan ayna ogaadaan in ay tahay hanti dadweyne.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories