HomeWararGalmudug oo mar kale War kasoo saartay weerarkii ka dhacay Bacaadweyn

Galmudug oo mar kale War kasoo saartay weerarkii ka dhacay Bacaadweyn

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Maamulka Galmudug ayaa mar kale ka hadlay weerar xoogan oo aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug. Weerarka kadib ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu qaatay saacado badan, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa mar kale ka hadlay weerar xoogan oo aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Weerarka kadib ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu qaatay saacado badan, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay wareegeen gacanta ku heynta deegaanka.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanka uu saakay weerarka ka dhacay ay gaareen Ciidamo gurmad  oo ka socday kuwa Booliska dowladda ee Haramcad iyo kuwa qeybta 21-aad.

Waxaa kaloo Galmudug ay sheegay in Ciidanka dowladda iyo shacabka deegaanka Bacaadweyn ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana ay ka dileen in ka badan 50 dagaalame, sidoo kalen xubno laga qabtay, waa sida hadalka loo dhigay.

“Bulshada ku dhaqan degmada Bacaadweyne ayaa si geesinimo leh isaga difaacay Al-shabaab ayagoo garabsanaya ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, waxaana alshabaab weerarkii saakay looga qabtay maxaabiis iyo dhaawacyo uu ka mid yahay amiirkii dagaalka hogaaminayey, ayagoo goobta uga cararay maydkooda oo kor u dhaafay 50 maleeshiyo ah” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug.

- Advertisement -

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, isla markaana Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka qabsadeen hub iyo gaari oo nooca dagaalka ah oo ku rakiban yihiin qoryo, sidoo kalena uu jiro khasaaro xoogan oo ka dhashay weerarkii ay ku qaadeen halkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts