HomeWararGalmudug oo ka hadashay weerarkii Al-shabaab ee Bacaadweyn

Galmudug oo ka hadashay weerarkii Al-shabaab ee Bacaadweyn

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wasaaradda amniga Maamulka Galmudug ayaa ka hadashay dagaal xoogan oo saakay dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin […]

- Advertisement -

Wasaaradda amniga Maamulka Galmudug ayaa ka hadashay dagaal xoogan oo saakay dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn, sidaasina uu ku dhacay dagaalka khasaaro kala geystay.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka ay weerarkii kaga yimid Al-shabaab ay iska difaaceen, isla markaana khasaaro ku gaarsiiyeen Shabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Bacaadweyne ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda, in kastoo aysan bixin faah faahin intaas ka badan iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

“Ciidamada XDS iyo ciidamo deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa khasaaro gaarsiiyey Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday Degmada Bacaadweyne iyo agagaarkeeda, waxaana hadda ciidanku ay eryanayaan Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, ayadoo ciidamo gurmad ahi ay soo gaareen Bacaadweyne” ayuu lagu yiri Qoraalka.

- Advertisement -

War qoraal ah oo  lagu faafiyay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegteen inay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta Bacaadweyn, isla markaana gacanta ay ku dhigeen illaa 5 gaari oo nuuca dagaalka ah.

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegtay in hubka iyo gaadiidka ay la wareegeen ay kamid yihiin qoriga Soomaalida u taqaano Zuuga, laba  gaari oo Tikniko oo dhashiike saaranyahay iyo gaari kale oo uu ku rakibanyahay qoriga B10-ka.

Ilaa iyo hadda ma jiro cid si rasmi ah u xaqiijinta khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay deegaanka Bacaadweyn, wallow Galmudug iyo Al-shabaab ay guulo ka sheegteen weerarkii saakay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories