HomeWararDowladda Soomaaliya oo heshiis muhiim ah la saxiixatay shirkad Maxalli ah

Dowladda Soomaaliya oo heshiis muhiim ah la saxiixatay shirkad Maxalli ah

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta saxiixay heshiis Iskaashi ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda maxalliga ah ee Hope Labs Group. Ujeeddada Iskaashiga ayaa la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaa  Tayada,bed-qabka Shaqaalaha iyo goobaha shaqada,Waxaa kale heshiiskan uu  diiradda saarayaa in la soo saaro xirfadleyaal […]

- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta saxiixay heshiis Iskaashi ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda maxalliga ah ee Hope Labs Group.

Ujeeddada Iskaashiga ayaa la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaa  Tayada,bed-qabka Shaqaalaha iyo goobaha shaqada,Waxaa kale heshiiskan uu  diiradda saarayaa in la soo saaro xirfadleyaal si gaar ah u tababbaran oo haysta Shahaado khibradeed oo la aqoonsan yahay.

- Advertisement -

Heshiiskan waxaa lagu hormarin doonaa xarumaha tababbarrada xirfadleyaasha iyo agabyada ay u baahanyihiin, sidookale Waxaa  uu door wanaagsan ka qaadan doonaa in la hormariyo nidaamka kormeerka bed-qabka caafimaadka Shaqaalaha,goobaha Shaqada iyo agabka si looga hortago khataraha ku imaan kara Shaqaalaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ayaa sidoo kale daahfuray mashruuca diyaarinta khabiir xirfad yaqaan ah, kaas oo ay si tabarucaad ah uga faa’iideysan doonaan ilaa Saddex kun (3,000) oo Arday lagu tababbarayo  27 xirfadood oo kala duwan.

“Wasaaraddaydu waxay dadaal gelinaysaa sidii lagu dhimi lahaa shaqo la’aanta, si loo gaaro waxaa muhiim ah in la hormariyo xirfadaha iyo bed-qabka Shaqaalaha, taas oo kor u qaadeysa kalsoonida shaqaalaha ,loo shaqeeyaha iyo bulshada, waana irid aan ku geleyno kor u qaadista wax soo-saarka iyo la-dagaallanka saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

- Advertisement -

Munaasabadda waxaa goobjoog u ahaa , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , madaxa Hope Labs Group, oo ah shirkad ka shaqeysa Horumarinta xirfadaha iyo bedqabka Shaqaalaha, Culimo,Ganacsato iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories