HomeWararDagaal Culus oo ka billawday degaano ka tirsan Gobolka Mudug

Dagaal Culus oo ka billawday degaano ka tirsan Gobolka Mudug

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Dagaalk Culus uu ka billaawday inta u dhaxaysa degaanada Camaara iyo Bacaadwayn oo ka wada tirsan gobolka Mudug. Dagaalka ayaa u dhexeeya dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana lasoo sheegayaa in haatan uu dagaalku socdo, iyadoo Goobjoogayaal ku sugan halka dagaalku ka socdo ay soo […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Dagaalk Culus uu ka billaawday inta u dhaxaysa degaanada Camaara iyo Bacaadwayn oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa u dhexeeya dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana lasoo sheegayaa in haatan uu dagaalku socdo, iyadoo Goobjoogayaal ku sugan halka dagaalku ka socdo ay soo sheegayaan in ay maqlayaan jugta hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

- Advertisement -

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in dagaalku uu bilaawday kadib markii Ciidanka dowladda oo aad u hubeysay ay weerareen Shabaab ku sugnaa inta u dhexeysa Camaara iyo Bacaadwayn ee gobolka Mudug., waxaana Ciidanka dowladdu ay  ahaayeen kuwo gurmad ahaan ugu socday dadka degaanka Bacaadweyn oo dagaal culis la galay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalkaasi, waxaana adag in la ogaado maaddama wali uu socdo dagaalku, sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.

Saaka degaanka Bacaadweyn waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya dadka degaanka iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khaasaro xooggan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories