HomeWararBanaanbaxyo rabshado watay oo mar kale ka dhacay Magaalada Baladweyne

Banaanbaxyo rabshado watay oo mar kale ka dhacay Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay waxaa ka dhacay Banaanbax xoogan oo rabshado watay oo looga horjeeday dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo ay dhigeen dadka deegaanka. Dadweyne farabadan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada, kuwaasi oo ahaa kuwo aad uga cadeysan doorashii ka dhacday Magaalada Jowhar ee uu kusoo baxay Madaxweyne Cali Cabdullaahi […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay waxaa ka dhacay Banaanbax xoogan oo rabshado watay oo looga horjeeday dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo ay dhigeen dadka deegaanka.

Dadweyne farabadan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada, kuwaasi oo ahaa kuwo aad uga cadeysan doorashii ka dhacday Magaalada Jowhar ee uu kusoo baxay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Yuusuf Daba-geed.

- Advertisement -

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ay uga soo horjeedan dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo Cali Guudlaawe, isla markaana mararka qaarkood gubayay taarayo waaweyn oo kahd geliyay isku socodka gaadiidka isticmaala waddooyinka.

Dadkii dhigaayay banaanbaxa ayaa sidoo kale ahaa kuwo ka careysan xarig loo geystay xubno ganacsato ah oo lagu eedeeyey horinta banaanbaxyadii maalin kahor ka dhacay Magaalada ee lagu diidanayaa in la weeraro maleeshiyaadka Jeneraal Abuukar Xuud.

Inta uu socday banaanbaxaas ayaa waxaa kahad galay isku socodka gaadiidka, waxaana la xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyadoona xalay oo dhan xaaladda Magaalada Baladweyne ay aheyd mid aad u kacsan.

- Advertisement -

Malamihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray dadaadlo lagu doonayay in lagu dhammeeyo tabashooyin ka dhashay doorashadii ka dhacday Jowhar, kuwaasi oo intoda badan ka socday Baladweyne, hayeeshee waxaa lagu guul-dareystay, waxaana duleedka Magaaladaas Ciidamo maleeshiyaad ah ku heysan Gen Abuukar Xaaji Warsame Xuud.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories