HomeWararAl-shabaab oo saaka dagaal kula wareegay deegaan ka tirsan Mudug

Al-shabaab oo saaka dagaal kula wareegay deegaan ka tirsan Mudug

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaadweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in aroornimadii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab. Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaadweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in aroornimadii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn, sidaasina uu ku dhacay dagaalka.

- Advertisement -

Dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayeen ayaa dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta u sheegay inay maqlayeen, isla markaana mar qura lagu soo waaberiistay deegaanka uu ka socdo dagaal.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu warramay inuu ka dhashay weerarkii lagu qaaday Bacaadweyn, uuna soo kala gaaray labada dhinac, in kastoo aan la xaqiijin karinta inta uu la egyahay, maadaama aan aaga laga agdhawaan.

War qoraal ah oo  lagu faafiyay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegteen inay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta Bacaadweyn, isla markaana gacanta ay ku dhigeen illaa 5 gaari oo nuuca dagaalka ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegtay in hubka iyo gaadiidka ay la wareegeen ay kamid yihiin qoriga Soomaalida u taqaano Zuuga, laba  gaari oo Tikniko oo dhashiike saaranyahay iyo gaari kale oo uu ku rakibanyahay qoriga B10-ka.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalkii khasaaraha geystay ee ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories