HomeWararWararkii ugu dambeeyay Guddoomiye lagu dilay Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay Guddoomiye lagu dilay Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo habeenkii xalay aheyd gudaha degmada Jalalaqsi ah ku dilay Guddoomiyihii Isboortiga degmadaas, isagoo u dhintay rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay. Dilka ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan, waxaana Guddoomiyaha Isboortiga toogtay rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, iyagoona falkaas kadib […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo habeenkii xalay aheyd gudaha degmada Jalalaqsi ah ku dilay Guddoomiyihii Isboortiga degmadaas, isagoo u dhintay rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay.

Dilka ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan, waxaana Guddoomiyaha Isboortiga toogtay rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, iyagoona falkaas kadib goobta si dhaqsi ah uga baxsaday.

- Advertisement -

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Maxamed oo ahaa Guddoomiyaha dhinaca Isboortiga ee degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, isla markaana uu muddooyinkii dambe u howlanaa horumarinta Ciyaaraha degmadaas.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulkii degmada ee uu ka tirsnaa, hayeeshee warar la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda Federaalka ay sameeyeen howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin oo lagu raadinayay ragii hubeysnaa.

Al-shabaab ayaa horey degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle uga geystay dilal qorsheysan iyo weeraro lagu qaaday xubno ka tirsan maamulka degmada iyo Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin halkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories