HomeWararQoorqoor oo ku biiray Shirka Musharixiinta Mucaaradka ah

Qoorqoor oo ku biiray Shirka Musharixiinta Mucaaradka ah

Date:

Related stories

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabbdi kaariye Qoor-qoor ayaa goordhaweyd ku biiray Shirka Midowga Mushariixiinta uga socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo Maanta ila Caawa si goos goos ah u socday. Qoor-qoor ayaa hadda ku biiray kulamadaasi siyaasadeed, waxaana Mas’uuliyiinta ay horay u lahaayeen shirar gaar gaar ah oo  ku saabsan arrimaha siyaasadda dalka. Waxaana shirkaan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabbdi kaariye Qoor-qoor ayaa goordhaweyd ku biiray Shirka Midowga Mushariixiinta uga socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo Maanta ila Caawa si goos goos ah u socday.

Qoor-qoor ayaa hadda ku biiray kulamadaasi siyaasadeed, waxaana Mas’uuliyiinta ay horay u lahaayeen shirar gaar gaar ah oo  ku saabsan arrimaha siyaasadda dalka.

- Advertisement -

Waxaana shirkaan lagu faaqidi doonaa arrimaha doorashooyinka ee la filayo in ay dalka ka dhacaan dhawaan, iyadoo Murashixiintu ay walaac ka muujinayaan guddiga dhawaan la magacaabay kaasi oo arrimaha doorashooyinka ka shaqayn doona.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo aad ugu dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa haatan la kulansan Musharixiinta Mucaaradka ee kasoo horjeeda madaxweyne farmaajo, waxaana Xusid mudan in dowladda federaalka ay ka dambeysay in uu Madaxweyne noqdo Qoor-qoor, maaddama uu ahaa musharaxa ay taageersaneed Villa Soomaaliya.

Madaxda Mucaaradka ah ee ku shirsan Magaalada Muqdisho ayaa horay waxaa ay u yeesheen shirweyn oo ay kaga hadleen arrimaha doorashooyinka, iyadoo shirkaasi ay kasoo bexeen Qodobbo gaaray 18 qodob, waxana ka mid ahaa in guddiga doorashooyinka dib loogu laabtio, lana kala diro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories