HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay Rag kufsi iyo dil geystay

Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay Rag kufsi iyo dil geystay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida qeyta 27-aad ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska Gabar dhalinyaro oo dhawaan fal isugu jiray kufsi iyo dil loogu geystay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo. Saddex eedeysane oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada, iyadoo la bilaabay dhageysiga eeda loo heysto oo ah inay kufsi […]

- Advertisement -

Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida qeyta 27-aad ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska Gabar dhalinyaro oo dhawaan fal isugu jiray kufsi iyo dil loogu geystay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Saddex eedeysane oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada, iyadoo la bilaabay dhageysiga eeda loo heysto oo ah inay kufsi iyo dil u geysteen Gabadha lagu magacaabi jiray Ismahaan Bakaal Maxamed.

- Advertisement -

Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxkamadda qeyta 27-aad Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa Maxkamadda horgeeyay caddeymo kala duwan oo la xiriira sida uu u dhacay falka loo geystay Ismahaan, waxaana cadeymaha ku jiray qoriga dilka lagu geystay.

Sidoo kale Gaashaanle Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa Maxkamadda ka dalbaday in saddex eedeysane oo lagu kala magacaabo Nuur Aadan Rashiid, Maxamed Maxamuud Buule iyo Salaad Xareed Cali lagu fuliyo xukuno kala duwan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeyta 27-aad Maxamed Amiin Cabdulle oo markii horey furay fadhiga Maxkamadeynta raggaas ayaa soo xiray Maxkamadda, isagoona sheegay in Go’aan laga gaari doono kiiska Ismahaan.

- Advertisement -

Howlka ay ka socotay dhageysiga Maxkamdeynta ragga kufsiga iyo dilka u geystay Marxuumad Ismahaan Bakaal ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Eheladeeda, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories