HomeWararMaxay tahay Sababta Qoorqoor uu ugu biiray Shirka Musharxiinta Mucaaradka ah?

Maxay tahay Sababta Qoorqoor uu ugu biiray Shirka Musharxiinta Mucaaradka ah?

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Maamul  Goboleedka Galmudug Axmed Cabbdi kaariye Qoor-qoor ayaa Caawa  ku biiray Shir Midowga Mushariixiinta uga socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu faqiday arrimo la xariira Siyaasadda dalka. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta Qoorqoor uu ugu biiray shirkaasi, maaddama Qoorqoor inta badan loo xagliyo dhanka Madaxtooyada oo mucaarad ay ku yihiin Murashaxixiinta ku […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul  Goboleedka Galmudug Axmed Cabbdi kaariye Qoor-qoor ayaa Caawa  ku biiray Shir Midowga Mushariixiinta uga socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu faqiday arrimo la xariira Siyaasadda dalka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta Qoorqoor uu ugu biiray shirkaasi, maaddama Qoorqoor inta badan loo xagliyo dhanka Madaxtooyada oo mucaarad ay ku yihiin Murashaxixiinta ku shiraya Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu kulan la qaatay Musharxiinta Mucaaraka ah, waxaana  Qoorqoor uu  ka codsaday Madaxda Mucaaradka in iyaga iyo dowladda Federaalka inuu dhex dhexaadiyo.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Mas’uuliyiintu ay ka aqbaleen Codsiga uu hordhigay ee ah in labada dhinac uu kala dhexgalo, oo uu raadiyo xal siyaasadeed, waxaana waxyaabaha la isku haayo ay dhammaantood ay ku xayn daaban yihiin arrimaha doorashooyinka.

Qoorqoor ayaa dowladda federaalka waxaa uu al leeyahay Xiriir aad u wanaagsan, waxaana uu horay xal ugu raadiyay Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo ay Xusid mudan in dowladda federaalka ay ka dambeysay in uu  Qoor-qoor Madaxweyne ka noqdo Galmudug, maaddama uu ahaa musharaxa ay taageersaneed Villa Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxda Mucaaradka ah ee ku shirsan Magaalada Muqdisho ayaa horay waxaa ay u yeesheen shirweyn oo ay kaga hadleen arrimaha doorashooyinka, iyadoo shirkaasi ay kasoo bexeen Qodobbo gaaray 18 qodob, waxana ka mid ahaa in guddiga doorashooyinka dib loogu laabtio kan hadda jirana kala diro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories