HomeWararMadaxweyne Deni iyo wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kulan u socda

Madaxweyne Deni iyo wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kulan u socda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha ee Nicolás Berlanga Martinez. Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana intaas kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada. […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha ee Nicolás Berlanga Martinez.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana intaas kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada kulan kula leh Wafdi ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD.

Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Mashaariicda horumarineed ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ka fuliyaan deegaanada Puntland.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlayaa arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dhacaya dhammaan sanadkaan 2020/2021 oo horey Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis uga gaareen.

- Advertisement -

Madaxtooyada Puntland ayaa la filayaa in War kasoo saarto kulanka Madaxweyne Saciid Deni iyo wafdiga ka socda Beesha Caalamka uga socda Xarunta Madaxtooyada Maamulka ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories