HomeWararDuqa Muqdisho oo Maanta xariga ka jaray waddo isku xirta degmooyin

Duqa Muqdisho oo Maanta xariga ka jaray waddo isku xirta degmooyin

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray wado laami ah oo isku xirta Degmooyinka Xamar Jajab Xamarweyne iyo Shingaani. Munaasabadda xarig jarka wadada Cusub oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaal, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha […]

- Advertisement -

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray wado laami ah oo isku xirta Degmooyinka Xamar Jajab Xamarweyne iyo Shingaani.

Munaasabadda xarig jarka wadada Cusub oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaal, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labadaas degmo.

- Advertisement -

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamarweyne iyo Shingaani ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Cumar Maxamuud Maxamed Finish, iyagoona sheegay in wadadaas ay muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo daweynaha.

Ugu dambeyn Duqa Muqdisho ayaa shacabka kula dardaarmay bulshada Caasimadda kunool gaar ahaan Xamarweyne iyo Shingaani inay xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda waddooyinka.

Waddooyin ku yaalla Caasimadda ayaa xiligaan waxaa ku socda dib u dhis ballaaran oo lagu sameeynayo, waxaana la xusi karaa wadada ka timaada Isgoyska Towfiiq ee tegta Isgoyska Maana-booliyo oo uu ku socdo dib u dhis, maadaama ay burbursan yihiin.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories