HomeWararDEG DEG:-Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo la xiray

DEG DEG:-Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo la xiray

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu gaaray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in Xildhibaan Mustaf oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka degay Garoonka […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu gaaray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in Xildhibaan Mustaf oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Hargeysa.

- Advertisement -

Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka amniga Magaalada Hargeysa ay gacanta ku dhigeen, isla markaana xabsiga laga dhigay, kadib markii uu kasoo degay diyaarad uu la socday oo ka degtay Garoonka.

Ilaa iyo hada lama oga sababta uu u gaaray in Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa la sheegay in lagu xiray xabsi ku yaalla halkaas, sida aan wararka helnay.

Sidoo kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan safarka Musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ku tegay Caasimadda Somaliland iyo xarigiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories