HomeWararCumar Finish oo eed u jeediyay Bulshada degmooyin ka tirsan G/Banaadir

Cumar Finish oo eed u jeediyay Bulshada degmooyin ka tirsan G/Banaadir

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa sheegay in qaar kamid waddooyinka ku yaalla Caasimadda oo dib u dhis lagu sameeyay ay yihiin kuwo xiligaan ka liita sidii horey ay ahaayeen. Cumar Finish ayaa tilmaamay in waddooyin ay kamid yihiin Buundooyinka ee Waaberi iyo mida shaqaalaha haatan ay yihiin kuwo burbursan, […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa sheegay in qaar kamid waddooyinka ku yaalla Caasimadda oo dib u dhis lagu sameeyay ay yihiin kuwo xiligaan ka liita sidii horey ay ahaayeen.

Cumar Finish ayaa tilmaamay in waddooyin ay kamid yihiin Buundooyinka ee Waaberi iyo mida shaqaalaha haatan ay yihiin kuwo burbursan, isla markaana lagu sameeyay dib u dhis, wuxuuna arrintaas ku eedeeyay Company-yadii dhisay markii horey.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka ayaa shacabka degan degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberi ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin burburka wadada Buundooyinka, kadib markii aysan ka qeyb qaadan kaalintii kaga aadaneyd horumarinta wadadaas.

Isaga oo sii hadlaayay Duqa Muqdisho ayuu dadka kunool Xamar-jajab iyo Shingaani kula dardaarmay inay xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda wadada, xili Maanta uu Guddoomiyaha xariga uu ka jaray waddo laami ah oo isku xirta degmooyinkaas.

Munaasabadda xarig jarka wadada Cusub oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaal, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labadaas degmo.

- Advertisement -

Waddooyin ku yaalla Caasimadda ayaa xiligaan waxaa ku socda dib u dhis ballaaran oo lagu sameeynayo, waxaana la xusi karaa wadada ka timaada Isgoyska Towfiiq ee tegta Isgoyska Maana-booliyo oo uu ku socdo dib u dhis, maadaama ay burbursan yihiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories