HomeWararBeesha Caalamka oo Baaq u dirtay Madaxda DFS iyo maamul Goboleedyada

Beesha Caalamka oo Baaq u dirtay Madaxda DFS iyo maamul Goboleedyada

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa ka hadlay doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021, kadib markii kal horey ay heshiis ka gaareen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada. Wakiillo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ugu baaqay in […]

- Advertisement -

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa ka hadlay doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021, kadib markii kal horey ay heshiis ka gaareen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

Wakiillo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ugu baaqay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

- Advertisement -

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ku booriyay inay sii adkeeyaan xiriirka dhexeeya, si loogu diyaar garoobo doorashada dalka ka dhaceysa.

“Waxaan ku boorrineynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ku sii dhegganaadaan go’aankooda la xiriira iskaashiga iyaga ka dhexeeya xilli diyaar-garowga doorashadu uu horumar sameeyey.” ayey wakiillo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay u sheegeen warbaahinta.

Wafdigaan ayaa Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashada, isagoo u gudbiyay caqabadaha hortaagan doorashada.

- Advertisement -

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Doorashada Soomaaliya, kadib markii khilaaf uu ka dhashay Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay, waxaana kasoo horjeestay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories