HomeWararAkhriso:- Sababta Musharax Mustaf Dhuxulow uu  u tagay Hargeysa

Akhriso:- Sababta Musharax Mustaf Dhuxulow uu  u tagay Hargeysa

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Waxaa Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland  gaaray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Xabsiga la dhigay  kadib markii uu uu ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Hargeysa. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu u tagay Magaalada hargeysa, waxaana […]

- Advertisement -

Waxaa Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland  gaaray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Xabsiga la dhigay  kadib markii uu uu ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu u tagay Magaalada hargeysa, waxaana inta badan aan dhicin in mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya at tagaan degaanada Somaliland, iyadoo ay taasi jirto haddana waxaa Hargeysa gaaray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale ah Murashax u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxaa jira warar kala duwan oo ku aaddan safarka Xildhibaanka, waxaana wararka aan helayno ay sheegayaan in shirkad Jarmal ah oo Hargeysa degeni ay usoo saartay dal-ku-galka Sonaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo, waana sababta keentay in uu Hargeysa tago sida warar hoose ay sheegayaan.

Xildhibaanka ayaa markii uu ka dagay Garoonka waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Ammaanka Hargeysa, kuwaasi oo la sheegay in ay xabsiga u dhaadhiciyeen, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland oo ku aaddan Xarigga Xildhibaanka.

Sidoo kale warar la helayo waxaa ay sheegayan in Xildhibaanka dib loogun soo tarxiili doono Magaalada Muqdisho ee Caasiamdda Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in ay jiraan arrimo kale oo uu Hargeysa u tagay Xildhibaanka marka laga tago in shirkad Jarmal ah oo Hargeysa degeni u soo saartay dal-ku-galka Sonaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo.

- Advertisement -

Wali Somaliland wax war ah kaam soo saarin Xildhibaanka u xiran sidoo kalena ah Murashax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in Mas’uuliyiinta Somaliland ay ka hadlaan Xarigga Xildhibaanka.

Sidoo kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan safarka Musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ku tegay Caasimadda Somaliland iyo xarigiisa.

Inta badan ma dhacdo in Mas’uul xil ka haya Dowladda Soomaaliya uu tago Hargeysa, Xitaa waxaa adag  in Mas’uuliyiinta u dhashay Gobolada Waqooyi ee Xilalka ka haya Dowladda federaalka in ay tagaan Somaliland.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories