HomeWararWasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xilka la wareegay

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xilka la wareegay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Sabti ah, si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasiirkii hore, Danjire Axmed Ciise Cawad. Munaasabadda ayaa lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Sabti ah, si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasiirkii hore, Danjire Axmed Ciise Cawad.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, danjireyeyaal iyo diblomaasiyiin.

- Advertisement -

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble fursadda u siiyay inuu hoggaamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa tilmaamay rajada uu ka qabo inuu guulo waa weyn ka gaaro geedi socodkiisa uu ugu adeegayo si daacadnimo oo nafhurnimo leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories