HomeWararWafdi ka socday Mareykanka oo booqasho qorsoodi ah ku yimid Muqdisho

Wafdi ka socday Mareykanka oo booqasho qorsoodi ah ku yimid Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Sii-hayaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka, iyagoona lagu soo dhaweeyay Caasimadda dalka. Sii-hayaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka Christopher Miller oo saacado kooban ku sugnaa Muqdisho ayaa kulan gaar ah Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula qaatay xubno ka mida ah Ciidamada Mareykanka, […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Sii-hayaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka, iyagoona lagu soo dhaweeyay Caasimadda dalka.

Sii-hayaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka Christopher Miller oo saacado kooban ku sugnaa Muqdisho ayaa kulan gaar ah Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula qaatay xubno ka mida ah Ciidamada Mareykanka, isagoo kala hadlay arrimo aan faah faahin laga helin.

- Advertisement -

Telefashinka Mareykanka ee CNN ayaa shaaciyay in Sii-haaye Christopher Miller uu booqasho qorsoodi ah ku yimid Magaalada Muqdisho, isla markaana uu dib uga laabtay Caasimadda dalka, kadib markii uu kulan la qaatay xubno ka tirsan Mareykanka.

Xoghayaha ayaa ka soo safray Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti, waxaana imaatinkiisa Muqdisho ku soo aaday, iyadoo Donald Trump uu shaaciyay inuu Soomaaliya kala baxayo Ciidamada ku sugan Soomaaliya oo gaaraya ku dhowaad 700 askari.

Waa Mas’uulkii u horeeyay Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ka socda oo booqasho ku yimaada Soomaaliya, sida uu shaaciyay Telefashinka Mareykanka ee CNN.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories