HomeWararSheekh Shariif oo dib ugu soo laabtay Muqdisho fariina u diray Maamulka...

Sheekh Shariif oo dib ugu soo laabtay Muqdisho fariina u diray Maamulka K/Galbeed

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Musharaiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku maqnaa Magaalada Baydhabo ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, isagoo halkaas u tegay arrimo la xiriira ololihiisa Doorashada. Inta uu ku sugnaa Baydhabo Madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxaa kulan looga hadlay arrimo kala duwan uu la qaatay Madaxweynaha […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Midowga Musharaiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku maqnaa Magaalada Baydhabo ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, isagoo halkaas u tegay arrimo la xiriira ololihiisa Doorashada.

Inta uu ku sugnaa Baydhabo Madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxaa kulan looga hadlay arrimo kala duwan uu la qaatay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Odayaasha dhaqanka Magaalada.

- Advertisement -

Sheekh Shariif ayaa Odayaasha kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana u soo xuli lahaayeen Xildhibaano wax badan ka bedeli doona marxalada xiligaan uu dalku ku jiro.

Dhinaca kale Shariifka oo markii uu saaray Caasimadda dalka ee Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay dhammaan Madaxda Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee soo dhaweynta u sameeyay markii uu gaaray halkaas.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray dhammaan qoyska dadkii dhalinyrada ahaa ee xalay ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Maqaayada Gelato Divino oo ku taalla meel ku dhow Guriga uu degan yahay Shariifka, una dhow Garoonka diyaardaha Aadan Cadde, isagoo kuwii dhaawacmay u rajeeyay inuu Alle Caafimaad siiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories