HomeWararRW Rooble oo kulan Deg-deg la yeeshay Hay’addaha amniga fariina u diray

RW Rooble oo kulan Deg-deg la yeeshay Hay’addaha amniga fariina u diray

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan Qaraxii ka dhacay xalay ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxba galabsan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan Qaraxii ka dhacay xalay ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxba galabsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada ay ku sugayaan amniga caasimadda.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka dhegaystay Wasiiradda Amniga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada lagu xoojinayo, isagoo faray in la sii dardargeliyo si aysan Al-shabaab  ug afaa’iideysan.

Masuuliyiinta ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha Gurmadka Caafimaad ee loo fidideyey dhaawacyadii qaraxii naf-hallignimada ahaa iyo dadaalkii ballaarnaa ee lagu bixiyay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay falkan wuxuushnimada ah ee ay geysteen Al-shabaab, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku shahiiday, ehelkoodana uga tacsiyeeyey.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories