HomeWararQatar oo War kasoo saartay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho  

Qatar oo War kasoo saartay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho  

Date:

Related stories

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Dowladda Qatar ayaa si kulu u Cambaareysay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaaladab Muqdisho gaar ahaan Maqaayada Devino, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qatar ayaa sheegtay inay siweyn uga soo horjeedo qaraxaas lala beegsaday dad u dhalinyaro oo fadhiyay Maqaayada Devino oo ah goob lagu iibiyo Mac-macaanka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay […]

- Advertisement -

Dowladda Qatar ayaa si kulu u Cambaareysay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaaladab Muqdisho gaar ahaan Maqaayada Devino, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qatar ayaa sheegtay inay siweyn uga soo horjeedo qaraxaas lala beegsaday dad u dhalinyaro oo fadhiyay Maqaayada Devino oo ah goob lagu iibiyo Mac-macaanka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.

- Advertisement -

Sidoo kale Qatar tacsi u dirtay qoyska dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdish iyo Madaxda dowladda Federaalka, iyagoona tilmaamay inay garab taagan yihiin dowladda  Soomaaliya.

8 Dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ku sugnaa xiligii uu qaraxu dhacaayay Maqaayada Devino, isla markaana waxaa Mas’uuliyada qaraxa sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa, waxaana Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in Dowladda ay ka xuntay  wixii dhacay, iyagoona tacsi u diray qoyska dadkii goobta ku naf-waayay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories