HomeWararKhasaaraha ka dhashay Qaraxii dhacay Magaalada Muqdisho oo la shaaciyay

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii dhacay Magaalada Muqdisho oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Is-miidaamin ahaa oo xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde. Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa gudaha u galay Maqaayada lagu magacaabo Jalaato Devino oo ku taalla kasoo horjeeda howlka Sahal, xili dad […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Is-miidaamin ahaa oo xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa gudaha u galay Maqaayada lagu magacaabo Jalaato Devino oo ku taalla kasoo horjeeda howlka Sahal, xili dad u badan dhalinyaro ay fadhiyeen markii uu qaraxaas dhacaayay, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray dhalinyaro farabadan oo Maqaayada fadhiyay, waxaana ku jira Wiil dhalinyaro ah oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray  Muqdisho, isagoo ka yimid dalka Itoobiya.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 ruux oo dhalinyaro ah, halka dad dhow 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa goobta looga daad-gureyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay maqaayada Devino oo ah goob lagu iibiyo Jalaatada iyo waxyaabo kale oo macmacaan ah, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa, waxaana Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in Dowladda ay ka xuntay  wixii dhacay, iyagoona tacsi u diray qoyska dadkii goobta ku naf-waayay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories