HomeWararCiidamada Itoobiya oo la wareegay Caasimadda Gobolka Tigree-ga

Ciidamada Itoobiya oo la wareegay Caasimadda Gobolka Tigree-ga

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalo madaxda gobolka Tigree-ga ee Mekelle. Sheegashadiisan ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin. Dhanka kale, xoogagga Tigree-ga ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey taliyuhu. Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga fallaagada […]

- Advertisement -

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalo madaxda gobolka Tigree-ga ee Mekelle.

Sheegashadiisan ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin.

- Advertisement -

Dhanka kale, xoogagga Tigree-ga ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey taliyuhu.

Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga fallaagada ah ee gobolka Tigree-ga  ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.

Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle “duqayn culusi” ku socoto.

- Advertisement -

Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaare Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay “duqaynayn” goobaha rayidka ah, waxaanay intaa ku dartay in “bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories