HomeWararAkhriso:-Magacyada dadkii ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Akhriso:-Magacyada dadkii ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayada lagu iibiyo Jalaata ee Devino ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad badan oo ku caweynayay halkaas. Ruux lagu tilmaamay inuu ahaa Odey da’ ah oo watay khamiis ayaa la sheegay inuu qaraxaas fuliyay, isagoo isku soo xiray […]

- Advertisement -

Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayada lagu iibiyo Jalaata ee Devino ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad badan oo ku caweynayay halkaas.

Ruux lagu tilmaamay inuu ahaa Odey da’ ah oo watay khamiis ayaa la sheegay inuu qaraxaas fuliyay, isagoo isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, wuxuuna gudaha u galay Maqaayada oo xiliyada habeenkii ah siweyn loo buux-dhaafiyo.

- Advertisement -

Dhalinyaro ah gaareysa ilaa iyo 8 ayaa ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Mgaaalada Muqdisho, isla markaana waxaa dhalinyarada ku jiray Wiil siweyn loo yaqaanay, kaasi oo gelinkii dambe ee shalay ka yimid dalka Itoobiya.

Dhammaan dhalinyaradii qaraxa ku dhintay ayaa ahaa kuwo siweyn looga yaqaanay Baraha bulshada, waxaana geeridooda ay si darraan uga tacsiyeeyay Mas’uuliyiin farabadan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoona lagu tilmaamay ahaayeen kuwo aad u firfircoon, isla markaana qaarkood ay la shaqeynayeen Dowladda.

Hoos ka Akhriso Magacyada dhalinyarada geeriyootay.

- Advertisement -

1 Ibraahim Cabdi

2 Bishaar Cabdiqaadir

3 Cabdullaahi Cabdi Jaamac

4 Cabdirisaaq Uk

5 Cabdullaahi Suldaan

6 Cabdirashiid Taaraa

7 Cali Yare

8 Cabdullaahi  Suudaani.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa, waxaana Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in Dowladda ay ka xuntay  wixii dhacay, iyagoona tacsi u diray qoyska dadkii goobta ku naf-waayay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories