HomeWararRW Rooble oo ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho

RW Rooble oo ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho oo  khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaystay. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah, waxaana fuliyay Qof isku soo xiray waxyaabaah qarxa, kaasi oo isku qarxiyay Maqaayad lagu Magacaabo Gelato Divino  oo ahayd […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho oo  khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaystay.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah, waxaana fuliyay Qof isku soo xiray waxyaabaah qarxa, kaasi oo isku qarxiyay Maqaayad lagu Magacaabo Gelato Divino  oo ahayd mid aad u mashquul badan goorta u qaraxu dhacayay.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxaasi ismiidaaminta ah, waxaana uu Alle uga baryay in uu si deg deg ah u bogsiiyo inta ku dhaawacan tay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la beegsadeen maqaaxi ay dad  shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada si aan dalkeenna iyo dadkeenna uga badbaadinno” ayuu RW Rooble.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories