HomeWararGen. Khaliif Ciise Mudan oo lagu aasay Magaalada Garoowe

Gen. Khaliif Ciise Mudan oo lagu aasay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay AHUN Gen. Khaliif Ciise Mudan. Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Madaxweyne Ku-Xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland wuxuu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay AHUN Gen. Khaliif Ciise Mudan.

Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Madaxweyne Ku-Xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland wuxuu markale uga tacsiyadeenaya bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliya geerida AHUN Gen Khaliif Ciise Mudane, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.

Alle ha u naxariisto Gen Khaliif Ciise Mudan wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, burburkii kadib wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland isagoo soo noqday Wasiirka Amniga. Xiligan wuxuu ahaa La taliye Madaxweyne iyo xubin ka mid ah guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories