HomeWararFaah Faahino:- Qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

Faah Faahino:- Qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo  baxaya Qarax Xooggan oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana jira Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo Qaraxaasi ka dhashay. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay aga-gaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo halka Qaruxu ka dhacay uu ku yaallo kontaroolka Ciidanka Nabad sugidda ee KM4, waxaana jugta qaraxa […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo  baxaya Qarax Xooggan oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana jira Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo Qaraxaasi ka dhashay.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay aga-gaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo halka Qaruxu ka dhacay uu ku yaallo kontaroolka Ciidanka Nabad sugidda ee KM4, waxaana jugta qaraxa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkani banaadir.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay ruux waxyaabaha Qarxa isku soo xiray, oo sida la sheegay gudaha u galay Maqaayad lagu magacabo Gelato Divino oo ku taalla aga-gaarka Sahal Terminal, waxaana la sheegay in goorta uu qaraxu dhacay ay ahayd mid aad u mashquul badan.

Wali lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee caawa ka dhashay Qaraxa, balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ay ku dhinteen Qaraxaasi halka Dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, inkastoo aan wali si dhab ah loo ogaan Khasaaraha haddana qaraxu waa mid khasaaro badan dhilyay.

Ciidanka amaaanka ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala aagga Qaraxu ka dhacay, waaxaana la arkayaa Ciidan farabadan oo waddada lagu soo daadiyay, kuwaasi oo dadka aan u ogolayn in ay tagaan halka Wax ka dhaceen oo aammaankeeda la adkeyay.

- Advertisement -

Gurmadka loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa socda, waxaana goobta soo gaaray gaadiidka Ampulance-ta loo yaqaanno, kuwaasi oo dadka ku dhaawacmay qaraxa ula cararaya goobaha Caafimaadka, iyadoo dhaawacyada la gaarsiiyay Cusbitaalada Muqdisho.

Wali laamaha amaanku kama hadal qaraxa, mana jirto Cid ilaa hadda sheegatay Mas’uuliyadda qaraxasi, waxaana hadda xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyadoo wali logu howlan yahay sidii la isku haleeshiin lahaa daka dhawaca ah iyo Ehaladodii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories