HomeWararDonald Trump  oo diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay Joe Biden

Donald Trump  oo diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay Joe Biden

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Donald Trump ayaa sheegay inuu ka tagayo Aqalka Cad hadii Joe Biden si rasmi ah loogu caddeeyo inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka. Madaxweynaha ayaa diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay codbixintii 3 November, wuxuuna saxaafada u sheegay khamiistii inay adkaan doonto in la ogollaado. Waxa kale oo uu mar kale ku celiyey sheegashooyin […]

- Advertisement -

Donald Trump ayaa sheegay inuu ka tagayo Aqalka Cad hadii Joe Biden si rasmi ah loogu caddeeyo inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay codbixintii 3 November, wuxuuna saxaafada u sheegay khamiistii inay adkaan doonto in la ogollaado.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu mar kale ku celiyey sheegashooyin aan caddayn lahayn oo ah musuqmaasuq codbixineed.

Mr Biden wuxuu ku hogaaminayaa Mr Trump 306 cod halka uu helay 232 iyadoo la raacayo nidaamka ergada doorashada ee lagu soo xulo madaxweynayaasha Mareykanka.

Tirada ayaa aad uga badan 270 oo ah intii loo baahnaa in lagu guuleysto, Mr Biden ayaa sidoo kale hoggaaminaya codbixinta dadweynaha in ka badan lix milyan.

- Advertisement -

Codbixiyeyaashu waxay kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories