HomeWararAbiy Ahmed oo la kulmay afar Madaxweyne oo loo xilsaaray Xalinta dagaalka...

Abiy Ahmed oo la kulmay afar Madaxweyne oo loo xilsaaray Xalinta dagaalka Itoobiya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay ergo ka socotay ururka Midowga Afrika kuwaas oo isku dayaya sidii loo dhexdhexaadin lahaa dowladda iyo maamulka TPLF oo ku dagaallamaya gobolka Tigray. Bayaan maanta kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaddib kulanka uu la qaatay ergada ayaa lagu sheegay in dowladdiisa ay ku adkeysatay inay xaqiijineyso ilaalinta […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay ergo ka socotay ururka Midowga Afrika kuwaas oo isku dayaya sidii loo dhexdhexaadin lahaa dowladda iyo maamulka TPLF oo ku dagaallamaya gobolka Tigray.

Bayaan maanta kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaddib kulanka uu la qaatay ergada ayaa lagu sheegay in dowladdiisa ay ku adkeysatay inay xaqiijineyso ilaalinta shacabka, in la furo marinada gargaarka iyo inay soo dhaweyneyso in qaxootiga u qaxay dhinaca Suudaan dib loogu soo celiyo dalka.

- Advertisement -

Abiy wuxuu sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto tallaabooyinka ka dhanka ah TPLF.

Waxaana ergadan kamid ah saddex madaxweyne oo hore oo kala ah madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe.

Dowladda Itoobiya waxay horraan sheegtay in ergadan aanan loo ogolaan doonin inay booqdaan Tigray.

- Advertisement -

Ma kala cadda sida ay howshooda ku gudan doonaan waa haddii aysan la kulmin labada dhinac.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories