HomeWararCiidamo shacab soo qaxay ka hor istaagaya inay galaan Suudaan

Ciidamo shacab soo qaxay ka hor istaagaya inay galaan Suudaan

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ciidamada Itoobiya ayaa la geeyay xadka Suudaan uu la wadaago dalkaas, waxayna saameeyeen tirada qaxootiga kusii qulqulayo halkaas, sida laga soo xigtay shacabka kasoo qaxay Tigray. Waxay arrintani imaaneysa xilli uu dagaal ka socdo Tigray kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF. Iyadoo aan macluumaad buuxda laga heyn colaadda, waxaa loo cabsi qabaa […]

- Advertisement -

Ciidamada Itoobiya ayaa la geeyay xadka Suudaan uu la wadaago dalkaas, waxayna saameeyeen tirada qaxootiga kusii qulqulayo halkaas, sida laga soo xigtay shacabka kasoo qaxay Tigray.

Waxay arrintani imaaneysa xilli uu dagaal ka socdo Tigray kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

- Advertisement -

Iyadoo aan macluumaad buuxda laga heyn colaadda, waxaa loo cabsi qabaa badqabka iyo nolosha shacabka.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay qaadeyso howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu qabsanayo caasimadda Mekelle xilli uu dhamaaday wakhtigii loo qabtay TPLF inay isku soo dhiibto.

Weriyaha BBC-da Anne Soy oo ku sugan xadka Suudaan iyo Itoobiya ayaa ku warrameysa in marinka ay kasoo gudbayaan dadka kasoo qaxaya Tigray uu yahay webiga Sittet.

- Advertisement -

Guddiga arrimaha qaxootiga qaabilsan ee Suudaan waxay sheegeen in maalin kasta ay qaabilaan 1,200 qof oo kasoo qaxaya Itoobiya.

Arbacadii weriyaha BBC waxay aragtay tiro ciidan oo saldhig ka dhigtay buuro dhaca agagaarka webiga, dadka qaxootiga ah waxay sheegeen inay yihiin militeriga Itoobiya oo dadka ka hor istaagayaan inay galaan dhinaca Suudaan.

Dowladda Itoobiya kama aysan soo jawaabin codsi ay u gudbisay BBC oo ah in ay jawaab ka bixiyaan arrintaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories