HomeWararXiisad ka taagan xadka Itoobiya iyo Kenya iyo Ciidan gudaha u galay...

Xiisad ka taagan xadka Itoobiya iyo Kenya iyo Ciidan gudaha u galay Kenya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ugu 10 qof oo u dhashay Kenya ayaa xiray, waxaana loo kaxeystay dhinaca Itoobiya xilli ay xisaad ka taagan tahay xadka labada dal. Shacabka ku nool magaalada Mooyaale ee Kenya ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo hubeysan ay kasoo tallaabeen xadka isla markaana ay gudaha usoo galeen dhinaca Kenya iyagoo ku raad joogo koox […]

- Advertisement -

Ugu 10 qof oo u dhashay Kenya ayaa xiray, waxaana loo kaxeystay dhinaca Itoobiya xilli ay xisaad ka taagan tahay xadka labada dal.

Shacabka ku nool magaalada Mooyaale ee Kenya ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo hubeysan ay kasoo tallaabeen xadka isla markaana ay gudaha usoo galeen dhinaca Kenya iyagoo ku raad joogo koox dhalinyaro ah.

- Advertisement -

Ciidamada Itoobiya waxay sheegeen in dhalinyaradan ay gabaad siiyeen xubno ka tirsanaa koox la yiraahdo OLF Shane kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro is xig xigay oo ka dhacay galbeedka iyo koonfurta Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay daawanayeen markii ciidamada Itoobiya ay dhalinyarada ka dhex qabanayeen gudaha Kenya, Kenya iyo dowladda kama aysan hadlin arrintani.

Militeriga Itoobiya ayaa haatan wadaa howlgallo ka wadaa koonfurta iyo waqooyiga Itoobiya kaas oo looga soo horjeedo kooxda OLF Shane, waxaana in maalmihii lasoo dhaafay uu dagaal culus ka dhacay deegaanada  xadka.

- Advertisement -

Horraantii bishan ayay aheyd markii, koox hubeysneyd oo ka tirsaneyd ururka OLF Shane ay 60 qof dileen halka ay dab qabadsiiyeen ilaa 20 guri oo ku yaalla deegaanno dhaca galbeedka Itoobiya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories