HomeWararXaaf oo weerar afka ah ku qaaday Musharaxiinta shirka uga socda Muqdisho

Xaaf oo weerar afka ah ku qaaday Musharaxiinta shirka uga socda Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Shirka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya maalintii shanaad uga socda Magaalada Muqdisho. Xaaf ayaa sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho horey loo soo arkay wax ay dalkaan u qabteen, isagoo sheegay in xiligaan aysan aheyn inay cabasho ka muujiyaan Guddiyada […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Shirka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya maalintii shanaad uga socda Magaalada Muqdisho.

Xaaf ayaa sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho horey loo soo arkay wax ay dalkaan u qabteen, isagoo sheegay in xiligaan aysan aheyn inay cabasho ka muujiyaan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Galmudug in la wada ogaa wixii ka dhacay Guddiyadii doorasho ee la magacaabay xiligii dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo tilmaamay in Musharaxiinta aysan jirin wax wanaagsan oo xiligaan ay sameeyn doonaan, shirkooduna uu yahay mid aan xalaal aheyn.

Sidoo kale Xaaf ayaa Musharaxiinta ugu baaqay inay dalka Soomaaliya ka daayan dhibaato uu xusay inay Musharaxiinta dalka ku wadaan, wuxuuna shaki geliyay in midkood Musharaxiinta hadii la doorto uusan waxba dalka u qabaneyn.

Isaga oo sii hadlaayay Xaaf ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, isagoona sheegay in markii uu haayay xilka Madaxweynaha uu Ciidamo u soo kireystay, isla markaana uu kasoo ceriyay Magaalada Dhuusamareeb.

- Advertisement -

“Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo inta Ciidamo iikeensadey xilkeygii igasoo ceersadey Dhuusamareeb ayaa ka mid ah shirka Muqdisho, maxow shir ka noqonayaa xalaalba maahane.” Ayuu yiri Xaaf oo warbaahinta la hadlay.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa Magaalada Muqdisho uga socda shir galay maalintii shanaad, waxaana looga hadlayaa doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaadka sandkaan 2020/2021.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories