HomeWararSicir barar xoogan oo Maanta ka jira Magaalada Gaalkacyo

Sicir barar xoogan oo Maanta ka jira Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta oo arbaco ah halkaas siweyn looga dareemayo Sicir barar xoogan oo ka jira, in kastoo Cuni yari aysan jirin. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Sicir barar xoogan Maanta laga dareemayo suuqyada […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta oo arbaco ah halkaas siweyn looga dareemayo Sicir barar xoogan oo ka jira, in kastoo Cuni yari aysan jirin.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Sicir barar xoogan Maanta laga dareemayo suuqyada Sarifka lacagta ee  Magaalada Gaalkacyo, isla markaana 1 dollar  la sarifayo 50,000 oo Shilling Soomaali ah.

- Advertisement -

Sidoo kale dadka tegay Suuqa ayaa ku warramay in meelaha qaarkood ee Suuqa laga diidayo in la qabto lacagta Dollarka ee dadka wax ku iibsadaan, Sarifleyna ayaa la tilmaamay inay diideen lacagta.

“Maanta Sicir bararkii ugu adkaa ayaa ka taagan Magaalada Gaalkacyo, waa ay adeg tahay in dadka wax Sarifa ee jooga Suuqa ay qabtaan lacagta dollarka ee la doonayo in wax looga Sarifto” ayuu yiri Qof kamid ah dadkii saaka tegay Suuqa Gaalkacyo.

Dhibaatadii ugu xooganaa ayaa soo food saartay xoogsatada iyo danyarta ee kunool Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kuwaasi oo walaac farabadan ka muujiyay Sicir bararka soo kordhay, iyadoo weli aan la ogeyn wax sababay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories