HomeWararShirka Midowga Musharixiinta oo la shaaciyay Waqtiga lasoo gaba-gabeeynayo

Shirka Midowga Musharixiinta oo la shaaciyay Waqtiga lasoo gaba-gabeeynayo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Shirka Midowga Murashixiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii Shanaad, waxana shirka oo ah mid xasaasi ah kasoo baxaya go’aammo hor dhac ah. Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa eed kulul u jeediyay dowladda iminka talada haysa, waxaana ay sheegeen in dowladdu ay tahay mid fashil ah oo ku guul darraysatay dhinacyo kala […]

- Advertisement -

Shirka Midowga Murashixiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii Shanaad, waxana shirka oo ah mid xasaasi ah kasoo baxaya go’aammo hor dhac ah.

Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa eed kulul u jeediyay dowladda iminka talada haysa, waxaana ay sheegeen in dowladdu ay tahay mid fashil ah oo ku guul darraysatay dhinacyo kala duwan oo la xariira siyaasadda guud ee dalka.

- Advertisement -

Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in shirka maanta diiradda lagu saaray geeddi socodka siyaasadeed ee dalka, waxaana uu sheegay in ay Mas’uuliyiinta ku shiray Muqdisho ay Su’aalo iska weydiiyeen halka uu dalku u socdo iyo halka loo baahn yahay in la hiigsado, isagoo intaas ku daray in maadxweyne Farmaajo uu ku fashilamay wax ka qabashada arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasadda dalka, Federaalka iyo dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in in dowladdu ay ku guul darraysatay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda iyo arrimaha dastuurka oo aan laga shaqayn.

Sidoo kale Afheyeenka ayaa shaaciyay goorta lasoo gaba gabeeynayo shirka Muqdisho ka socda ee maal maha badan qaatay, waxaana uu ka dhawaajiyay Afhayeenka u hadlay Midowga Murashixiinta in maalinimada berri ah lasoo gaba-gabeeyn doono shirka, ayna soo saari doonaan war-murtiyeed dhammeystiran.

- Advertisement -

Musharixiinta ku shiraya Muqdisho ee u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkoodu waxaa uu qaatay  muddo shan maalmood ah, iyadoo ay ka arrinsanayaan dooarashada dalka ka dhici doonta dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka dambe.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories