HomeWararR/Wasaare Rooble oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka DF iyo AMISOM

R/Wasaare Rooble oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka DF iyo AMISOM

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Taliyaha qeybta saddexaad ee Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Taliyaha qeybta saddexaad ee Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed ee ka dhanka ahaa Al-shabaab.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Taliyaha qeybta saddexaad ee AMSIOM iyo Taliyaha qeybta 60-aad u sheegay in looga baahan yahay in Ciidamada ay sameeyan iskaashi, si Shabaab looga saarayo deegaanada ay Gobolada Koonfur Galbeed kala sugan yihiin.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa taliyeyaasha uu kulanka la qaatay iyo Ciidanka kula dardarmaay in la dardar-geliyo howlgalada ka dhan ka Shabaabka ee ka socda deegaanada Maamulkaas ee lagu xaqiijinayo amniga.

Kulanka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku wehlinayay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka iyo Saraakiil Ciidan.

- Advertisement -

RW Rooble ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo, waxaana uu kulan la qaatay Golaha Wasiirada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan, isagoo kala hadlay qodobo dhowr ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories