HomeWararQarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo khasaaro ka dhashay

Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo barqanimadii Maanta Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaal oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana  lala eegtay gaari […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo barqanimadii Maanta Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana  lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidanka Booliska gaarka ah ee loo yaqaano Haramcad, xili ay ku sugnaayeen deegaanka Ceelaha biyaha ee duleedka Muqdisho.

- Advertisement -

Ugu yaraan 5 Askari oo kamid ahaa Ciidanka la socday gaariga ay miinada qabsatay ayaa halkaas ku geeriyooday, halka Askar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo loo soo qaaday Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda, si loogu dabiibo.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo gebi ahaan xiray aaga inta uu socday gurmadka, wallow markii dambe wadada ay fureen, waxaana intaas hakad ku jiray isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidanka Booliska ee Haramcad ee qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwo ilaalo Maanta ka haayay Injineero dhismo ka wada wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Ma ahan markii ugu horreeysay oo sidaan oo kale Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo illaalo ka haayay Injineero dhisaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye loo qarxiyo, waxaana horey halkaas uga dhacay qaraxyo kala duwan oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelasha biyaha, hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories