HomeWararPuntland oo ku wareejineysa Galmudug Maxaabiis ku xiran Garoowe

Puntland oo ku wareejineysa Galmudug Maxaabiis ku xiran Garoowe

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay, kana hadlay safarkooda. Ujeedka Xildhibaanadan ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha bulshada Baarlamaanka maamulkaas u tageen Garoowe ayaa waxaa ay thay sidii Puntland ugala hadli lahaayeen in lagu wareejiyo maxaabiis burcad-badeed ah […]

- Advertisement -

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay, kana hadlay safarkooda.

Ujeedka Xildhibaanadan ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha bulshada Baarlamaanka maamulkaas u tageen Garoowe ayaa waxaa ay thay sidii Puntland ugala hadli lahaayeen in lagu wareejiyo maxaabiis burcad-badeed ah oo sanno badan ku xiran xabsi ku yaalla halkaas.

- Advertisement -

Xildhibaanada ayaa kulan la qaatay Xildhibaano kale oo ka tirsan Puntland, iyagoona ka wada hadlay qaabkii ay Galmudug loogu wareejin lahaa Maxaabiista, isla markaana la isku  famahay in dhawaan la wareejiyo Maxaabiista.

Bishii June ee sanadkaan 2020 Baarlamaanka Puntland ayaa laalay heshiis ogolaanayay in xabsiyada kala duwan ee ku yaalla deegaanada maamulka lagu haayo Maxaabiis Soomaaliyeed oo burcad-badeednimo Seychelles u heysto, waxaana heshiiskaas la laalay uu ahaa mid is-afgarad ah.

Si kastaba Maxaabiista ay Galmudug dooneyso in lagu wareejiy ayaa sanadkii 2013 lagu wareejiyay Puntland, kadib markii lagu Maxkamadeeyay Jasiiradda Seychelles, iyadoona ay xusid mudan tahay in labada maamul horey uga wada hadleen arrintaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories