HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo wafdi u dirtay degmo ay ka dhaceen dilal

Maxkamadda Ciidamada oo wafdi u dirtay degmo ay ka dhaceen dilal

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya gaaray wafdi saraakiil oo ka socday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Saraakiishan ka socday Maxkamadda Ciidamada qeybteeda 27-aad oo uu hoggaaminayay Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa waxaa Doolow kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulkaas degmadaas iyo […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya gaaray wafdi saraakiil oo ka socday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Saraakiishan ka socday Maxkamadda Ciidamada qeybteeda 27-aad oo uu hoggaaminayay Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa waxaa Doolow kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulkaas degmadaas iyo Saraakiil Ciidan.

- Advertisement -

Ujeedka wafdiga Maxkamadda ayaa waxaa uu yahay sidii xal buuxa looga gaari lahaa dilal qorsheysan iyo dhibaatooyin kale oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona saraakiisha Ciidanka dowladda ee deegaanka ku sugan, iyagoona kala hadli doona sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen xalinta dilalkii dhacay.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa dhawaan socdaal ku tegay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, iyadoona Maxkamadda ay riday xukuno kala duwan, laguna riday Askar iyo xubno kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories