HomeWararDowladda Somalia oo War kasoo saartay dadkii lagu laayay Degmada Waajid

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay dadkii lagu laayay Degmada Waajid

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar lagu dilay dad isku qoys ahaa oo habeenkii xalay aheyd lagu laayay degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur, xili ay ku sugnaayeen Gurigooda oo ku yaalla halkaas. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si kulul u Cambaareeyay weerarkii […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar lagu dilay dad isku qoys ahaa oo habeenkii xalay aheyd lagu laayay degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur, xili ay ku sugnaayeen Gurigooda oo ku yaalla halkaas.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si kulul u Cambaareeyay weerarkii lagu laayay dadkii isku qoyska ee isugu jiray Hooyo, Caruurteeda, Aabahood iyo xubno kale, kaasi oo ka dhacay degmada Waajid.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray Wasiir Cabduqaadir Maxamed ayuu ku sheegay in weerarka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ka dambeeyeen, xubo ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna tacsi u diray dadkii ehelada qoyskii la laayay iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan guud ahaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa qoyskii Soomaaliyeed ee xalay si wadar ah Al-shabaab ugu laayeen Degmada Waajid iyagoo gurigooda jiifa. In hooyo uur leh iyo caruur la laayo keliya waxay ka suurowdaa damiir laawayaasha Alshabaab. Waxaan qoyskii qaraabadii iyo dhamaan reer Waajid leeyahay samir iyo iimaan Ilaahey hanaga siiyo, iyagana qabrigooda allaha u waasaciyo Janatul Firdowsana ka waraabiyo” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux oo isku qoys ahaa ayna ku jireen Hooyo, Caruurteeda, Aabahood oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka,  iyo xubno kale  ayaa ku geeriyooday weerarka oo loo adeegsaday rasaas xoogan, waxaana ku dhaawacmay dad kale.

- Advertisement -

Warar ayaa intaas kusii daraya in markii hore Askariga ka tirsan Ciidanka ee ku sugnaa Guriga uu iska caabin ku sameeyay ragii weerarkii soo qaaday, wallow markii dambe rasaasta ay ka dhammaatay, kadibna guriga loogu galay, sidaasina lagu laayay qoyska.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories