HomeWararDad isku qoys ahaa oo lagu laayay degmo ka tirsan Gobolka Bakool

Dad isku qoys ahaa oo lagu laayay degmo ka tirsan Gobolka Bakool

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wararka aan ka heleyno degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa la sheegayaan in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay weerar xoogan oo lagu qaaday Guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ah oo ku yaalla degmadaas. Rag hubeysan ayaa la sheegay inay weerarkaas ku qaadeen guriga, xili ay ku sugnaayeen qoyska oo ka […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa la sheegayaan in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay weerar xoogan oo lagu qaaday Guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ah oo ku yaalla degmadaas.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay weerarkaas ku qaadeen guriga, xili ay ku sugnaayeen qoyska oo ka koobnaa Hooyo, Caruurteeda, Aabahood iyo xubno kale oo badan, isla markaana ay jiifeen markii uu weerarka dhacayay.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in weerarka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gebi ahaan soo gaaray qoyskii ku sugnaa Guriga oo ku yaalla degmada Waajid.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux oo isku qoys ahaa ayna ku jireen Hooyo, Caruurteeda, Aabahood oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka,  iyo xubno kale  ayaa ku geeriyooday weerarka oo loo adeegsaday rasaas xoogan, waxaana ku dhaawacmay dad kale.

Warar ayaa intaas kusii daraya in markii hore Askariga ka tirsan Ciidanka ee ku sugnaa Guriga uu iska caabin ku sameeyay ragii weerarkii soo qaaday, wallow markii dambe rasaasta ay ka dhammaatay, kadibna guriga loogu galay, sidaasina lagu laayay qoyska.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda lama oga wax ay ahaayeen ragga weerarka geystay, kuwaasi oo goobta ka baxsaday, waxaana dhacadadaas siweyn uga naxay dadka deegaanka degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeedd Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories