HomeWararCiidamo kala dhex-galay Beelo uu dhexmaray dagaal khasaaro geystay

Ciidamo kala dhex-galay Beelo uu dhexmaray dagaal khasaaro geystay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Waxaa degan xaaladda deegaanka Nagaarta ee hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega. Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa tegay deegaanka Nagaarta, isla markaana kala dhex-galay maleeshiyaadkii uu dhexmaray dagaalkii khasaaraha kala […]

- Advertisement -

Waxaa degan xaaladda deegaanka Nagaarta ee hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa tegay deegaanka Nagaarta, isla markaana kala dhex-galay maleeshiyaadkii uu dhexmaray dagaalkii khasaaraha kala duwan geystay.

- Advertisement -

Ciidanka oo uu hoggaaminayay korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa ku guuleystay joojinta rasaastii labada dhinac ay isdhaafsanayeen, iyagoona haatan wada kulamo lagu doonayo in la isugu keeno dhinacyada.

korneyl Maxamuud Baakay ayaa sheegay in xaaladda deegaanka uu yahay  mid degan, isla markaana labada dhinac ay kala dhex-galeen Ciidanka dowladda Federaalka, uuna socdo qorshe lagu kala qaado dhinacyada.

Khassaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Nagaarta ee hoostega degmada Matabaan, waxaana halkaas ku geeriyooday 5 ruux, halka in ka badan 10 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

- Advertisement -

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aano qabiil, iyadoona marar kala duwan la isku dayay in xal laga gaaro dagaal beeleedyadan soo laab-laabtay, wallow aan lagu guuleysan arrintaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories