HomeWararBaarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2021

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2021

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa Maanta kulankii 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Golaha ku yeeshay Magaalada Garoowe, waxaana kulankaas shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jirbriil. Fadhiga maanta oo soo xaadireen 54 Xildhibaan, ayey dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda Maamulka Puntland, ka dib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa Maanta kulankii 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Golaha ku yeeshay Magaalada Garoowe, waxaana kulankaas shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jirbriil.

Fadhiga maanta oo soo xaadireen 54 Xildhibaan, ayey dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda Maamulka Puntland, ka dib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo 135-aad ee Dastuurka DPL, iyo qodobka 58-aad, 62.6-aad iyo 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.

- Advertisement -

Dooda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Dood ka dib, Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda dowlad goboleedka Puntland ee sanadka 2021, waxaana horey Miisaaniyadda Maamulka u soo ansixiyay Golaha Wasiirada maamulkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories