HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo sadqii dhexe ee xalay lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo sadqii dhexe ee xalay lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha Garoonka diyaaradaha.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen dhawaqa madaafiic Culus oo ku dhaceysa agagaarka Garoonka Dhuusamareeb, waxaana tirada madaafiicda la maqlay lagu sheegay ku dhawaad 7 madfac oo qaarkood ku dhacay gudaha garoonka.

Sidoo kale Ciidanka AMISOM ayaa Jawaab ka bixiyay madaafiicda lagu weeraray, waxaana kuwa ay tuureen Ciidamada qaar kamid ah ay ku dhaceen waddo ku dhow garoonka, iyadoo intaas kadib rasaas goos goos ah la maqlayay.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ku aadan weerarka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories