HomeWararWararkii ugu dambeeyay Shirkii Musharaxiinta oo Maanta lasoo gaba-gabeynayo

Wararkii ugu dambeeyay Shirkii Musharaxiinta oo Maanta lasoo gaba-gabeynayo

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Waxaa Maanta oo tallaado ah lagu wadaa in Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo shirweyne saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa xalay waxaa ku biiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa 1-aad […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo tallaado ah lagu wadaa in Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo shirweyne saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa xalay waxaa ku biiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa 1-aad Cabdiweli Muudey iyo siyaasiyiin kale oo kasoo horjeeday dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Guddoomiye Mursal iyo Muudey ayaa waxaa la sheegay Musharaxiinta ay kala hadleen Arrimaha Doorashada iyo sidii loo xalin lahaa khilaafyada kala dhexeeya, iyagoona sigaar ah ugla kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn waxa ay kala hadleen.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaano ka tirsan labada golle ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shalay ka qeyb galay Shirka Musharaxiinta, iyagoona laga dhageystay warbixin ku aadan Doorashada iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxaa saddexdii maalin ee lsoo dhaafay musharaxiinta ay la kulmeen Ururrada Bulshada Rayidka, Odayaasha dhaqanka, Culimadda Soomaaliyeed, Haweenka, dhalinyarada iyo xubno kale oo kala duwan, iyagoona kala hadlay Doorashada dalka.

- Advertisement -

Inta uu socday Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa siweyn loogu falanqeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii ay musharaxiinta u sameeysan lahaayeen Golle mid ah.

Shirka Musharaxiinta oo Maanta sida uu qorshahu yahay lasoo gaba-gabeyn doono ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo lagu faah faahin doono sida ay Musharaxiinta u wajahaan Doorashada dalka iyo arrimo kale, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay sameeysan doonaan Golle mid ah.

Si kastaba Musharaxiinta ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddiyada Doorashooyinka ee heer federal iyo heer maamul Goboleed oo ay sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Musharaxiinta shirka ka qeyb galaya ayaa kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sh Axmed,  Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxamuud Geelle, Cabduqaadir Cosoble Cali, Mustaf Dhuxulow iyo Musharaxiin kale, waxaana marka laga soot ego Musharaxiintaas shirka ku biiray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, ku-xigeenkiisa koowaad Muudey iyo siyaasiyiin kale oo aad uga soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories