HomeWararShirkii u socday Musharaxiinta Madaxweynaha oo waqti hor leh lagu daray

Shirkii u socday Musharaxiinta Madaxweynaha oo waqti hor leh lagu daray

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Shirka maalintii saddexaad u socda Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu waday in Maanta oo tallaado lasoo gaba-gabeeyo, hayeeshee waqti dheeraad ah ayaa lagu daray. War goordhow soo gaaray Idaacadda Dalsan ayaa waxaa uu sheegayaa in Shirka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha lagu daray hal maalin oo dheeraad, iyadoo maalinta berri oo Arbaco ah lasoo gaba-gabeyn […]

- Advertisement -

Shirka maalintii saddexaad u socda Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu waday in Maanta oo tallaado lasoo gaba-gabeeyo, hayeeshee waqti dheeraad ah ayaa lagu daray.

War goordhow soo gaaray Idaacadda Dalsan ayaa waxaa uu sheegayaa in Shirka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha lagu daray hal maalin oo dheeraad, iyadoo maalinta berri oo Arbaco ah lasoo gaba-gabeyn doono.

- Advertisement -

Musharaxiinta ayaa xiligaan kulan aalada ZOOM-ka kula qaadanaya Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, iyagoona kala hadlaya Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021 .

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Beesha Caalamka u gudbin doona cabasho ay ka qaaban Guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay, iyagoona Guddiyada ku sheegay inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda NISA.

Shirka Musharaxiinta ayaa waxaa Maanta ku biiray Culimadda Ahlusunna Wajljameeca, isla markaana Musharaxiinta ay ka dhageysteen Aragtidooda ku aadan sidii ay u dhici laheyd doorasho xor ah, waxaana Culimadda ay ku baaqeen in la xaliyo khilaafyada jira.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku-xigeenkiisa 1-aad Abshir Bukhaari ayaa ku biiray shirka maalintii afaraad galay ee ka socda Hotel Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Muuday, waxaana dhinacyada ay xaliyeen khilaafyo ka dhex jiray, iyadoona la heshiisiiyay Guddoomiye Muudey iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories